Garoowe: Shirweynaha Qaar kamid ah Urur Siyaasadeedyada Puntland oo maanta furmaya

Shirweynayaasha Qaar kamid ah Ururada Siyaasadda ee Puntland ayaa maanta ka furmaya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyadoona magaalada ay soo buux dhaafiyeen dad tiro badan oo kala kala yimi Goboladda Puntland kuwaas oo ka qayb-gallaya qaar ka mid ah shirwaynayaasha urur siyaasadeedyadda.

Urur siyaasadeedyadda Puntland ee Shiweynahoodu ka furmayo magaalada Garoowe ayaa waxaa kamid ah Urur Siyaasadeedka Xukuumadda talada heysa KAAH, Mideeye iyo Sinaan iyo Cadaalad.

Xubnaha ka qeyb-galaya Shirweynayaashan ayaa dooran-doona Gudoonka iyo Xubanaha Golayaasha dhexe ee ururadda.

Hanaanka Xisbiyadda badan ee Puntland oo xili hore la hawgeliyay ayaa meesha ka saari -doona hanaanka hore ee Puntland siyaasad ahaan ay ku dhisnayd.