Guddoomiye C/rashiid oo magacaabay Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta Shir-guddoomiyey kulanka 19-aad we Kalafadhigga 46-aad ee Golaha ayaa Magacaabay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda aadanaha Puntland, taas oo qabsoomaysa maalinimada berrito oo Axad ah.

Xubnaha Guddigan oo ka kooban 5 Xildhibaan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Xildhibaan Cawil Xasan Daad, waxaana la horgeeyay Xildhibaan Golaha Wakiillada Puntland oo cod aqlabiyad leg ku meel-mariyay Guddigan oo diyaarin doono Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, oo ay ku loolamayaan 3 Musharax.

Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Guddiga.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland,

MARKUU ARKAY: – Dastuurka DPL Qodobada 64-aad iyo 117-aad.

MARKUU ARKAY: –  Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka    8-aad faqrada 11 -aad.

MARKUU LA TASHADAY: – Guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiillada DPL.

MARKUU TIX-GELIYEY:- Baahida loo qabo Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Dawladda Puntland.

Wuxuu Magacaabay:

Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland.

1. Xil.  Cawil Xasan Daad – Guddoomiye
2. Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab  – Xubin
3. Xil. Maxamuud Maxamed Barre – Xubin
4. Xil. Cabdilaahi Siciid Axmed – Xubin
5. Xil. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed – Xubin

DHAMMAAD