Madaxweyne Axmed Madoobe oo gaaray Cadaado (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Sabti ah booqasho Tariikhi ah ku tagay Magaalada Cadaado ee Dowlada Galmudug.

Dadweynaha Magaalada iyo Masuuliyiinta Dowlada Galmudug ayaa Madaxweynaha si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Cadaado.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa Magaaladan isla markana uu mudo ku noola sidoo kalana uu aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa halkan.

Wuxuu sheegay Madaxweynahu in uu jacaylkii uu aabahii Magaaladan u qabay mid lamid ah uu u hayo Shacabka iyo Magaaladan isla markana uu mar walba niyada ku hayo.

Shacabka ree Cadaado ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay garab istaagan Dowlada Cusub ee Galmudug oo ay la shaqeeyaan isagoo sheegay in dadka deegaankan lagu yaqaanay Walaalnimo iyo is jacayl taas oo ka dhigtay meel mar walba lagu soo hirto.