Madaxweyne Deni oo loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah, Waxaana Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Ururka loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, halka Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Doorashada ayaa timid kaddib markii maanta uu Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka furmay Shirweynaha Urur Siyaasadeedkan oo ah Ururka Xukuumadda talada heysa.

Puntland ayaa hada u ruqaansaday in ka badan 20 sanno kaddib Hanaanka Dilmuquraadiyeynta, oo dadka loo celiyo Awood, si ay u soo doortaan heerarka kala duwan ee Hoggaankooda, taas oo meesha ka saaraysa nidaamka Qabaliga ah ee Puntland ay kusoo dhaqmeysay tan iyo Aas-aaskeedii 1998-dii.