VIDEO: Arday kunool Baraawe oo weyday Imtixaanaadka shahaadiga ahaa ee Wasaaradda Waxbarashada XFS

Ardayda Soomaaliyeed ee ee kunool magaalada Baroowe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa seegay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga Sare oo maanta u furmay Ardayda kunool bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Ardayda ayaa sheegay in ka baaqashada Imtixaanaadka ay sabab u tahay Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo markii hore u sheegtay in ay ugu keenayso Waraaqaha Imtixaanaadka Degaankooda, balse saaka kusoo wargelisay inay yimaadaan Magaalada Marko, iskana soo bixiyaan Gaariga, sidoo kalena ay maareystaan Nolasha iyo Hoyigooda, inta ay ku sugan yihiin Marko taas oo aysan awood u laheyn.