Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland oo gaaray Degmada Bursaalax (Sawirro)

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdulaahi Cabdisalaan iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur(sanyare), ayaa gaaray Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Degmada Bursaalax.

Safarka Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa ku Wehlinayey Gudoomiyeh ku Xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Waloore,Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar Cabdi Casayr iyo Gudoomiyaha Demada Galdogob, waxaa uu salka ku hayey Xalinta Shaqaaqo Dhexmartay Beelo walaalaah oo Wada daga Degmada Bursaalax iyo Deegaan Barwaaqo, kana kala tirsan Beelaha Majeerteen iyo Leelkase.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland iyo Waftigiisa oo kulamo gaar gaarah la qaatay Odoyaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo Nabadoonada labada Beelood, ayaa kala hadlay in lawada ilaaliyoh Nabada iyo Wada dagnaanshaha cidii intaa ka hortimaadanah ka Dowlad ahaan tilaabo ka qaadi doonaan loona aqoonsan doono fidma wade.

Ugu dambeyntii, Waftiga ka socday Dowladda Puntland ee uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo Waxgaradka Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in lasoo qabto gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhex dhacay Labada Beelood, Wasiirka ayaana kula dardaarmay Odayaasha dhaqanka adkeynta amniga iyo wada noolashaha Bulshada.