DEG-DEG: Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ah ku leh Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan gaar ah ku leh magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug.

Kulanka oo horu-dhac u ah Shirka Dhuusa-mareeb ayaa looga hadlayaa sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen labada dhinac, waxaana uu noqonayaa kulankii ugu horaysay oo labada Madaxweyne ay u yeeshan fool ka fool.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.