Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo maanta dhaceysa

Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda aadanaha Puntland, ayaa lagu wadaa inay maanta oo Axad ah ka dhacdo xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Doorashada Xafiiskan ayaa waxaa ku loolamaya 3 Musharax, oo kala ah Faysal Mahdi Cali, Siciid Cabdi Mu’min iyo Maryan Axmed Cali, kuwaas oo Liiskooda dhowaan Golaha Wakiilada ay u soo gudbisay Xukuumadda Puntland.

Golaha Xukuumadda oo Dastuuriyan xaq u leh in ay soo xulaan Musharrixiinta u tartamaya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ayaa Liiskaasi ku koobay in ay tartami karaan saddexdaas qof oo keliya, loolanka Musharixiinta ayaana maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay Magaalada Garoowe.