Khaliif soo kala dhexgalay Madaxweyne Deni iyo Wasiirka Maaliyadda

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa fariin usoo diray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, waxuuna kaga codsaday in uu la kulmo waftiga Puntland ee sii joogay Dhuusamareeb.

Wasiir Xasan Abgaal ayaa lasoo hadlay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ku wargaliyay fariinta Khayre, Madaxweynaha ayaana u fasaxay, waxuuse kula balamay in isaga iyo Xasan Deni lawada kulmaan.

Xasan Abgaal markii uu fasaxa ka helay Madaxweynaha,ayuu Xasan Deni ka tagay oo kaligii la kulmay Khayre.

Halkaas waxaa ka dhashay tuhun weyn iyo isku dhac Deni iyo Xasan Abgaal.

Warar hoose waxay sheegayaan in Xasan la xanibay lagana joojiyay kulamada.

Jibril Qoobey.