Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddig Qaban-qaabada Xuska 1-da August

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda xuska 01-Ogoosto oo ku beegan Aasaaskii dowladda Puntland ee Soomaaliya 22-sano kadib.

Waxaa guddiga qabanqaabada iyo diyaarinta xafladda maalinta Asaaska Dowladda Puntland loo magacaabay wasiirada iyo masuuliyiinta hoos ku qoran:-

  1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Guddoomiye)
  2. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Harumarinta Qoyska Aamina Cismaan X Jaamac (Xubin)
  3. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada
    Maxamed Xasan Ciise (Xubin)
  4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada
    Maxamed Cabdulqadir Cusmaan (Xubin)
  5. Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalaynta Maxamed Musadaq Maxamed (Xubin)
  6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta
    Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf (Xubin)
  7. Taliyaha Ciidanka Booliska
    Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)
  8. Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada,
    Cabdiweli Cali Cabdulle (Xubin)

-DHAMMAAD-