Madaxweyne Deni oo la kulmay Ururada Bulshada Rayidka ah (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qaabilay Ururada Bulshadda Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Ururada Bulshadda Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha in ay soo dhoweeyeen Shirkii Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena hadana ay rajo wanaagsan ka qabaan Shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Kulanka oo looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda 2020/2021,waxay Ururada Bulshadu
muujiyeen sida loogu baahanahay in laga heshiiyo nooc doorasho oo dalka ka dhacda, taasi oo ku qabsoomi karta muddada wakhtiga ka harsan iyo in Haweenku helaan kooto ku filan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada Soomaaliya iyo kaalintii ay ku lahaayeen marxaladahii kala duwanaa ee dalku soo maray.