Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka Dalka 2020 – 2021.

Shirkan ayaa daba socda Shirkii Wada-tashiga Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ee dhowaan lagu soo gaba-gabeeyay Dhuusamareeb, waxaana xalay ku hoyday Magaaladaas Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.