Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo & Axmed Madoobe ?

Kulankii u dhexeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kusoo dhamaaday magaalada Dhuusa-mareeb, iyadoona daqiiqadii hore ay goobjoog ahaayeen Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug oo markii dambe isaga baxay.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye, ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulankan ahaa mid ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.

Ma jiro wax sawirro ah oo laga helay kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in dhanka Jubbaland dalbadeen in aan wax muuqaal ama sawirro laga baahin kulankan, maadaama uu yahay mid hordhac ah.