Nigeria: Carruur ku dhimatay Qarax

Booliska Gobolka Waqooyi-bari Nigeria ee Katsina ayaa sheegay in ugu yaraan lix caruur ah ay ku dhinteen qarax ka dhacay meel tuulo ah, kuwaas oo 5 kamid ah ay isku qoys ahaayeen.

Sidoo kale, Qaraxan oo ka dhacay Tuulada Yammama ayaa dhaawac kasoo gaaray shan caruur ah.

Booliska Gobolka Katsina ayaa sheegay in qaraxa bambaano uu dhacay kaddib markii caruur aan garaneyn bambada oo caws u jarayay xoolo xaafadeed ay soo qaadeen.

Gobolkan uu qaraxu ka dhacay ee Katsina ayaa waxaa kasoo jeeda Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari, waxaana aad ugu yaraa qaraxyada, marka loo eego gobalada kale ee ay ka dagaalamaan kooxaha Argagixisada ah.