Puntland oo shaacisay waqtiga ay furmayaan dugsiyadda Waxbarashada (Akhriso)

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa ku dhawaaqday in dib-u-dhac uu ku yimid waqtigii rasmiga ahaa ee uu furmi lahaa sanad dugsiyeedka 2020 – 2021 ee Iskuulada Waxbarashada ee ku yaalla Degaanada Puntland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland oo loo diray Guddoomiyaaasha Waxbarashada ee Gobalada & Degmooyinka Puntland iyo Maamulada Dugsiyadda, ayaa lagu sheegay in (01-09-2020), ay furmi doonaan Dugsiyadda Waxbarashada ee degaanada Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa sheegtay in Dugsiyadda Waxbarashada Degaanada Puntland laga hirgelin doono adeegyada muhiimka u ah ka hor-tagga cudurka COVID-19, sida Agabka lagu dhaqdo gacmaha, af-xirka iyo Jeermis dilayaasha gacmaha la marsado.