Siciid Cabdi Muumin oo loo doortay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland (VIDEO)

Siciid Cabdi Muumin, ayaa ku guuleystay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dowladda Puntland, kaddib Doorasho adag oo la isla gaaray Saddex wareeg.

Guddoomiye Siciid Muumin ayaa helay codad gaaraya 34, halka Maryan Axmed Cali oo aheyd Musharixii ay wada tageen Wareegyadii labaad iyo saddexaad ay heshay 28 Cod, iyadoona Mr. Muumin ay Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ay u dhaarisay xilka.