Urur Siyaasadeedka Mideeye oo Hoggaan doortay (VIDEO)

Daahir Xaaji Khaliif, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeed Mideeye, halka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Ururka loo doortay Najax Maxamuud Cali, waxaana Cabdalla Sheekh Axmed Yuusuf, loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Ururka Mideeye.

Sidoo kale, Siyaasi Abshir Cumar Huruuse oo kamid ah Aas-aasayaasha Urur Siyaasadeedkan ayaa loo doortay Xoghayaha Ururka Mideeye.

Doorashada Hoggaanka Urur Siyaasadeedka Mideeye, ayaa imaanaysa iyadoo maalintii labaad uu magaalada Garoowe ka socdo Shirweynaha Ururka oo kamid ah Ururada u halgamaya kamid noqoshada Xisbiyadda Siyaasadeed ee Degaanada Puntland.

Arrinta cajiibka ayaa ah in Urur oo ay ku jiraan Siyaasiyiin saameyn balaaran ku leh Degaanada Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya, sida Gen. Asad Cismaan Diyaano, Cali Xaaji Warsame iyo Faarax Cali Shire, aysan isku soo taagin qabashada Hoggaanka Xisbiga.