Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland oo gaadiid ku wareejiyay Booliska Degmooyin kamid ah Gobalka Mudug (Sawirro)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa maanta ku wareejiyay Taliya Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Cabdi Shire Gaadiid loogu talagalay inay adeegsadaan Ciidanka Booliska Qaar kamid ah Degmooyinka Gobalka Mudug.

Gaadiidkan oo ah 3 Gaari oo nooca Booliska ah, ayaa loogu talagalay Ciidanka Booliska ee Degmooyinka Gaalkacyo, Towfiiq iyo Saaxo oo Dowladda Puntland ay ka hirgalisay Saldhigyo Boolis oo loo dhisay qaab casri ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa sheegay in gaadiidkan loogu talagalay in loogu adeego Shacabka ku nool Degmooyinka Gaalkacyo, Towfiiq iyo Saaxo, isagoona kula dardaarmay Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Degmooyinkaas inay si wanaagsan u ilaaliyaan Gaadiidkan oo ah hanti Dadweyne.