Banaan-baxyo maalintii labaad ka soconaya Laascaanood

Banaan-baxyo balaaran ayaa maalintii labaad ka soconaya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool, waxaana banaan-baxyadan dhigaya Dhalinyarada ku shaqeysata Gaadiidka loo yaqaano Mooto Bajaajta

Banaan-baxyada ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Maamulka Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Qaar kamid ah Darawalada Gaadiidkan loo yaqaano Mooto Bajaajta, taas oo ka careysiisay Dhalinyarada ku shaqeysata iyo Shacabka Magaalada Laascaanood.

Qaar kamid ah goobaha Ganacsiga ee Magaalada Laascaanood ayaa xiran, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland ee xariga u geystay dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.