Maxaa kasoo baxay Shirarkii Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ?

Kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Kulanka kowaad oo dhacay galinkii hore ee Axadii ayaa waxaa uu u dhexeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, iyadoona kulankaas uu si adag uga hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe, wallow markii dambe lagu soo kala tagay, waxaana mar kale kulan ay isugu yimaadeen galinkii dambe uu Isna kusoo dhamaaday fashil.

Sidoo kale, Kulan dhacay xalay fiidkii una dhexeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu soo kala kacay, kaddib markii Ismaan dhaaf iyo erayo kulul ay is dhaafsadeen Labada dhinac, waxaana jiray kulan Saddex geesood ah oo dhexmaray saqdii dhexe Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, oo isna guuldareystay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa wada dadaal ku aadan in aan lagu soo kalatagin Dhuusamareeb, balse wuxuun la isku afgarto, uuna furmo shirka oo lagu Iclaamiyo Shir kale oo la isugu yimaado meel ka baxsan Dhuusamareeb.