Maxaa looga hadlay Kulankii Baarlamaanka Puntland ee maanta ? (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada C/rashiid Yuusuf Jibriil, ayaa looga hadlay dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa ka dooday dhaqan-gelinta Qodobadii shirweynihii Wada-tashiga, dood dheer ka dib Xildhibaanadda ayaa isku raacay in dib loo dhigo.

Dib-u dhigista dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland ayaa keentay tallo-soo jeedinnadda Xildhibaanadda, maadama uu ka socdo Dhuusamareeb shirka wada-tashiga Dawladda Federalka & Dawladaha xubanha ka ah Dawladda.