Ururada Bulshada Rayidka ah oo beeniyay Qaraal kasoo baxay Villa Somalia (VIDEO)

Ururada Bulshada rayidka oo ka hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa beeniyay war lagu qoray Facebook Madaxtooyada Villa Somalia, iyagoo sheegay in Madaxweynaha la wadaageen in wada hadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira iyo in nooca doorashada ay noqoto wada ogol.

Qoraalka Madaxtooyada Villa Somalia lagu qoray ayaa lagu sheegay in Ururada Bulshada rayidka ay u sheegeen Madaxweynaha in Guddiga doorashada ku garab taagan yihiin doorasho qof iyo cod ah, waxaana ay ku tilmaameen arrin nasiib darro ah.