VIDEO: Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal oo ka furmay Garoowe

Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal ayaa maanta ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana la qeyb-galaya Ergooyin isaga kala yimid 9 Gobal ee Puntland.

Shirweynaha oo soconaya labo maalmood ayaa lagu wadaa in Ergooyinka ka qeyb-galaya ay ku doortaan Hoggaanka Urur Siyaasadeedka Mustaqbal oo kamid ah Ururada Siyaasadda Degaanada Puntland.