Al-Shabaab oo 60 Ruux oo shacab ah ka afduubatay Gobalka Baay

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa dad badan oo shacab ah ka afduubtay tuulooyin hoos taga degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay.

Dadka kooxda Al-Shabaab ay afduubatay oo tiradooda lagu sheegay 60 qofood, oo isugu jira odayaal, Haween iyo Carruur, ayaa maleeshiyaadku ka kaxeysteen degaanka Lahobare oo hoos taga degmada Buur-hakaba.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dadka ay afduubatay la aaday dhanka degaanka Iidaale oo ay maamulaan.