Axmed Madoobe oo ku casuumay Kismaayo Xildhibaanada BJFS ku matala Degaanada Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Dhuusomareeb kula kulmay Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ku matala Jubbaland.

Kulankan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo iyadoo Madaxweynahu uu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.