Baarlamaanka Puntland 22 sanno kaddib ka dooday dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe, ayaa dood adag ka yeeshay dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 39 Mudane, ayaa 38 kamid ah  u codeeyeen in qodobka ugu dambeeya ee Ajandaha Kalfadhiga 46-aad laga dhigo dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, halka hal mudane uu diiday.

22 sanno kaddib waa markii ugu horaysay oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda Puntland ka doodeen Dhameysirka Maxkamadda Dastuuriga ah.