Culeys siyaasadeed oo soo foodsaaray Itoobiya (Warbixin)

Qul-qulatooyinka dalka guddahiisa kaga furan dalka Itoobiya,waxaa barbar socda culays siyaasada arrimaha dibada kasoo foodsaaray.

1. Madaxwaynaha Masar oo kulan la qaatay saaraakisha ugu saraysa dalkaas,ayaa kala xaajoday xiisada wabiga Nile-ka. Waxaana la go’aamiyay in si dhaw loola socdo islamarkaana wadda haddalada laga qayb galo.

2. Masaarida ayaa galaan-gal ka wadda gobolka,wafdi Masar ka socday ayaa maalmo kahor kulan la qaateen Somaliland. Warar kasoo baxay oo aan la xaqiijin ayaa sheegay innay saldhig ciidannka raadinayaan. Waana war maanta Itoobiya aad u haddal hayso ee ku noqday lama filaanka.

3. Deeqihii caalamka qaarkood ayaa dalka laga joojiyay,waxaa kaloo hoos udhac ku yimid wax soosaarkii dibada loo dhoofinayay. Sarifkii iyo Dollar-kii laga helayay ayay shaqaaqoyinkan saameyeen.

4. Dalalka ree galbeedka oo uu Maraykan-ku horkacayo ayaa Bangiga adduunka iyo Hay’adda lacagaha adduunka(IMF) ku caddaadinaya innay Itoobiya Masaarida u tanaasusho.

5. Shaqa guri dalalka Eritrea iyo Sudan kasoo cusboonaday maalmahan ayaa Itoobiya sugaysa,waxaana barbar socda go’aanka Sudan Masar ku taagertay ee biyo xidheenka la xidhiidha

6. Hay’addaha xuquuqaha aadamiga udooda sidda Amnesty ayaa toddobadkan dalka dhaliilay xadhig jumlaysan iyo xad guddub dhanka aadamaha ah.

Siddoo kale dibad baxyada dalka dibadiisa ka curtay ayaa indhaha saxaafada calamka kusoo jeediyay xukuumada Abiye Ahmed Waa qayb kamida culaysyada dalka toddobadkan soo foodsaaray,waxaad la socoteen in muddadii Abiye Ahmed xilka hayay siyaasada Arrimaha dibadu wanaagsanayd.

Saxaafada calamkuna taagere baddan ayay u mujisay kaddib markii uu hantay billada Nabadda.

W-q: Macalinka Soomaliyeed(Ms)