Dhuusa-mareeb: Madaxweyne Farmaajo oo qarka u saaran inuu ka tanaasulo doorasho qof iyo cod ah

Ismari waa ah ayaa ka taagan weli magaaladda Dhuusamareeb oo ay ka socdaan kulamo doceed loogu gogol xaarayo furitaan Shirka Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, waxaana arinta adag ay tahay nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa oo Madaxweyne Farmaajo taagan yahay Doorasho qof iyo cod ah, halka Dowlad Gobaleedyada taagan yihiin doorasho dadban.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada isku mari la’ nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa marka uu dhamaado muddo xileedka Hay’adaha heer Federaal, ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland aya diideen in loo kala kaco Shirka Dhuusamareeb iyadoon go,aan laga gaarin arrimaha Doorashooyinka, halka uu Madaxweyne Farmaajo dalbanayo in dib loogu Balamo shir kale, haatan uu furmo kulanka Dhuusamareeb oo guddi farsamo lagu sameeyo, taas oo ay ka biyo diideen Deni iyo Axmed Madoobe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Farmaajo uu haatan ka tanaasulay Doorasho qof iyo cod ah, balse uu dalbanayo muddo kordhin loo sameeyo Dowladda uu hoggaamiyo, si lamid ah Dowladihii ka horeeyay, taas oo ay iyana ganafka ku dhufteen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.