Farmaajo oo Daaroodnimo hiil uga doonay Madaxda Puntland iyo Jubbaland

Kulamo xariir ah oo ka socday xalay dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ayaa fashilmay.

Kulamada oo intooda badan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, ayaa guuldareystay, kaddib markii labada dhinac isku maandhaafeen arrimaha Doorashooyinka iyo dalabkii uu u soo gudbistay Madaxweynaha DFS.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu beeleeyay arrimaha Shirka, isagoona ka codsaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in ay ku taageeraan muddo kordhin ay hesho Dowladdiisu maadama ay yihiin Dad wada dhashay oo kasoo jeeda beelweynta Daarood.

“Daarood colaad kama dhaxayso Gawaaridana iskalama dagaan,hadii wax jiraana Isimo ayay lee yihiin ee anagu siyaasad baan maamulaynaaye aan ka xaajaysano” ayay ugu jawaabeen Madaxweyne Farmaajo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Ugu danbayn waxay u sheegeen MD Farmaajo in iyagoo isku duuban ay soo saareen Dowlad Goboleedyadu mawifkooda kaasna ay iyagu ku gawracan yihiin.