Ciidanka PSF-ta Puntland oo dilay saraakiil Ajnabi ah oo katirsan Daacish (Sawirro)

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah Kooxda Argagixisada ah ee Daacish ka fuliyay degaanada Tuurmasaale, il iyo Camayra ee Buuraha Cal-Miskaat ee Gobolka Bari.

Ciidanka PSF-ta ayaa howlgalkooda oo dhacay 48 saac ee lasoo dhaafay ku dilay 20 kamid ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo uu iskugu jira Soomaali iyo Ajnabi, uuna ka mid yahay sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada iyo xiriirka caalamka, sida lagu sheegay Qoraal ay baahiyeen Ciidanka PSF.

Sarkaalkan Ajnabiga ah oo tan iyo 2014-kii ku sugnaa gudaha Soomaaliya ayaa ahaa isku xiraha Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka, waxaana uu masuul ka ahaa dhib badan oo ay kooxda Daacish u geysteen shacabka Soomaaliyeed sida dilal, qaraxyo iyo dhibka ugu weyn oo uu hadda ku hayey dadka reer guura ah ee degaanadaas isaga oo xoolahooda xoog kaga qaadi jirey, isla mar ahaantana u diidi jirey inay xoolaha daaqsadaan.

Dhanka kale, Ciidanka PSF ayaa ka gubay Kooxda Daacish kayd weyn oo ay dhigan jireen saadka iyo sahayda, kaydkaas oo ay yaaleen raashin aad u faro badan, daawo, rasaas iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada.

Ugu dambeyn, Qoraalka kasoo Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in intii uu socday howlgalkani uusan khasaare nafeed ama hantiyeed ah soo gaarin Ciidammada, waxaana ay ugu baaqeen Shacabka Puntland iyo guud ah Soomaalida in ay garabsiiyaan ciidamadoo si kooxaha cadowga ahi ay u waayaan goob ay ku nabad galaan.