Booliska Gobalka Mudug oo gacanta ku dhigay Khamri fara-badan (VIDEO)

Ciidanka Booliska Gobalka Mudug ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Degaanka Bacadweyn ee degmada Gaalkacyo kusoo qabtay illaa 10 kartoon oo maandooriyaha khamriga  ah iyo Dadkii ka ganacsanayay.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire, oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan maandooriyaha iyo burcadka, isagoona digniin adag u diray dadka soo galiya Gobalka iyo kuwa ka ganacsada khamrida iyo xashiiska Gobalka.