Madaxweyne Farmaajo oo u socdaalaya Addis Ababa, lana kulmay Abiy & Afwerki

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu khamiista u socdaalo Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulan kula qaadanayo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Iyo Madaxweynaha Eritrea Asias Afwerki.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dambeeyay kaddib markii Madaxda Itoobiya iyo Eritrea oo ku shirsan Asmara maalmo kahor uu la xariiray una sheegay inay ku xun tahay Siyaasadda, ayna mowqif adag ka istaagsan yihiin Hoggaanka Soomaaliyeed ee la wadaaga talada, sida Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku wargeliyay Farmaajo inuu yimaado Magaalada Addis Ababa Khamiista, uuna ku adkeysto mowqifka ah doorasho qof iyo cod ah, ayna iyagu siin doonaan Awood kastaa oo Dalka uu kusoo hoggaaminayo, sida Ciidan ku ilaaliya Madaxtooyada Villa Soomaaliya, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo rasmi ah.