MUQDISHO MAQAAM IYO MATELAAD (TAARIIKH KOOBAN)

Muqdisho waa magaallo xeebeed ku taal badweynta hindiya boqolaal sano ayey caan ku ahayd ganacsi, xadaarad, diin iyo ilbaxnimo. Muqdisho deegaankeedu waxaa ka talin jiray saldanado is xig-xigey illaa suldaan Saciid Barqash laga soo gaaray, kaas oo dowladii Talyaaniga ka gatay magaalada Muqdisho. Talaayniga markii uu la wareegay Magaalada Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya wuxuu caasimad ka dhigtay magaalada Muqdisho oo ahayd magaallo is-taraateeji ah isla markaana uu go’aansaday in Soomaaliya uu halkaas uga taliyo.

Xaaladda waxay is bedeshay wixii ka danbeeyey dagaalkii koowaad ee dunida iyo jabkii Daraawiishta. Wixii xilligaas ka danbeeyey Mustacmarkii Ingiriiska & Talyaaniga waxay go’aan ku gaareen in Saldanadaha Daarood la bur buriyo. 1920-kii wuxuu Ingiriisku soo qabtay Suldaan Maxamuud Cali Shire markab ayaa looga soo qaaday Laasqorqay waxaa la geeyey Barberra kaddibna Cadan kaddib Bombay- India, aakhirkiina waxaa loo sii gudbiyey Jaziirada Seychelles Gabi ahaan Ganacsigii iyo Noloshii Boqortooyada Maakhir siddaas ayaa dhulka loogu duugay.

Waxaa ku xigay Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid oo loo soo taxaabay Muqdisho, waxaa dhanka kale Garaacis lagu bilaabay Xeebaha Qaw,illaa Eyl in kabadan 30 magaallo oo ku teedsanaa Xeebaha Badda cas iyo Badweynta Hindiya oo uu ka talinayey Boqor Cusmaan ayaa dhulka la dhigay waxaana ku nafwaayey dad kor u dhaafaya 30.000 oo qof.. Ugu danbeyn waxaa la soo qabtay Boqor Cusmaan Waxaana Xabsi dowlo loo keenay Muqdisho. Gebi ahaan deegaanadaas waxaa laga mamnuucay Ganacsigii iyo isu socodkii doonyaha waxaana la soo barakiciyey Haldoorkii deegaanadaas.

Muqdisho markaan taariikhda dib ugu noqono waxaa deggenaa dadkii Banaadiriga ahaa iyo Soomaalidii Xaabada keeni jirtay magaalada oo baadiyaha degenaa,  waxaana kusoo kordhay Saldanado xaadaradahooda wata, waa halka ay ka bilaabatay Waxbarashada cusub ee Soomaaliya ee uu aabaha u ahaa Macalin Jaamac Billaal; waxaaba markiiba bilowday Halgankii SYL ee uu hormuudka ka ahaa Yaasiin Cusmaan Sharmaarke.

Laga soo bilaabo doorashadii 1956 ee xukunkii daakhiliga ahaa Muqdisho waxay yeelatay Golle deegaan waxaana duqii ugu horreeyey ka noqday Maxamed Sheekh Jamaal. Saddexdii doorasho ee ku xigtay 1959,1964,1969, intaba Muqdisho waxay yeelatay Gole deegaan iyo Duq magaallo, waxaana ugu danbeeyey 1969-kii waxaa duq magaallo ka noqday Dr. Maxamed Shariif Caydaruus kuxigeen waxaa ka noqday Maxamed Cali Faarax (Badhaa). Doorasho iyo Dimoraadiyadba meeshaas ayaa ugu danbeeysay waxaana yimi Kacaankii iyo Burburkii Soomaaliya ka dhacay 1991-dii.

Hadda Muqdisho waxay u baahan tahay Golle deegaan oo ay dadka soo doortaan kuwaasna ay markooda doortaan duqa magaalada laakiin dood waxay ka taagan tahay yaa deegaan ah? Ma kii 1969-kii ka horeeyey Muqdisho ayaa muwaadin ah mise 1991-kii kii ku habsaday ayaa deegaan ah?

Aqalka sare markay noqoto sida ku cad dastuurka federaalka Soomaaliya qodobkiisa 72-aad Muqdisho xaq ayey u leedahay Metelaada Aqalka sare sida ay xaq ugu leeyihiin gobolada kale ee Soomaaliya.

Aqalka sare maanta waxaa fadhiya 54 xubnood oo matalaya 18ka gobol ee Soomaaliya. Gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay 18kii gobol ee Soomaaliya, wuxuuna xaq u leeyahay 3 xubnood in ay ka helaan aqalka sare, markaa  ma la is weydiiyey Kuraastii Muqdisho xageey ku maqan tahay? inta aan loo jabin dastuurka dalka oo haddii la jebiyo  ama lagu  xadgudbo keeni kara tafaraaruq iyo kala tag hor leh

Sikastaba,sidda aan ku xusnay taariikhda aan kor aan kusoo sheegnay Haddii Muqdisho ay Saldanado baddan soo martay oo qollo walba leh, maanta ma la dhihi karaa hal qoys oo Soomaaliyeed ayaa Muqddisho Sheegan kara?

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan: Waxaa diyaariyey Cali Jaamac