Shirka Dhuusamareeb oo laga yaabo in lagu soo kala kaco

Waxaa weli la isku mari la’yahay wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, we la socda xarunta Madaxtooyada Galmuudg ee magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in Shirka lagu gaari waayo wax heshiis ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, sababtuna ay tahay ayada oo dhinacyada ay ku adkeysanayaan mowqifkooda.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu diidan yahay inuu ka tanaasulo doorasho qof iyo cod ah, madax goboleedyadana waxay ku adkeysanayaan doorasho dadban, taasi oo xaaladda ka dhigtay mid cakiran.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News