Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay Ismari-waaga Shirka Dhuusamareeb

Hoggaanka ururrada bulshada rayidka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Ururrada bulshada rayidka waxay qoraalkooda ku sheegeen in madaxda ku kulansan Dhuusamareeb ay heystaan laba caqabadood oo waa-weyn, kuwaas oo kala ah, is-aamin darro iyo tanaasul la’aan.

“Bulshada Rayidka waxa ay shacabka soomaliyeed la wadaagayaan dareenkooda ah in shirka wadatshiga Dhusamareeb caqabadaha ugu weyn ee ku xeeran in ay yihiin is aaminaad la’aanta iyo qof walbaa uu ku dhaganyahay aragtidiisii ku dhisan kooxaysi iyo tanaasul la’aan” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, “Bulshada rayidka waxa ay ka xun yihiin in madaxda Soomaaliyeed isku koobaan shirka, isla markaasna laga xadiday xuquuqda shacabka u leeyihiin in ay ogaadan xogta shirka, si ay talo ugu yeeshan.”

Waxay sidoo kale ugu baaqeen in in Boqorada, Salaadinta, Imaamyada, Ugaasyada, odoyaasha dhaqanka, Culuma’udiinka, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qurbajoogta ay culeys ku saaran madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb in aysan ku kala tegin shirka kana soo saraan heshiis dan u ah ummada Soomaliyeed.
“Bulshada Rayidka waxa ay welwel ka muujineysa in iyadoo xili sharciyeedka dowladda ka harsan tahay muddo sedex bilood ah in madaxda dalka waqti badan ku lumiyaan Isfahan ay ka yeeshan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho xur iyo xalaal ah danta shacabkana ku jirto” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii ururrada bulshada rayidka ah qoraalkooda waxay ku soo bandhigeen seddax qodob oo ay baaq ugu soo jeediyeen, madaxda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo bulshada, kuwaas oo kala ah.
1 – In Boqorada, Salaadinta, Imaamyada, Ugaasyada, odoyaasha dhaqanka, Culumo Udiinka, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qurbajoogta ay culeys ku saaran madaxda ku shirsan magaalada Dhusamareeb in aysan ku kala tegin shirka kana soo saraan heshiis dan u ah ummada Soomaliyeed.

2 – In madaxda Soomaliyeed ee ku kulansan Dhusamareeb ay dantooda gaarka ah ka hormariyaan danta guud una tanaasulan shacabkooda isla markaasna ogaadan in talada lala leeyahay.

3 – In saaxibada iyo taagerayaasha beesha caalamka ee Soomaliya ka yeeshan aragti mideysan oo u horseedi karta taageradooda inay noqoto mid wax ku ool ah, horseedi kartana ku taageerida Soomaaliya helida degenaashaha iyo dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.