Wararkii ugu dambeeyay ee Shirarka Dhuusa-mareeb oo soo xirmaya

Shirar gaar gaar ah oo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, uga socday magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa lagu wadaa inay soo gaba-gaboobaan kaddib maalmo shirarkaan la isku mari la,aa.

Inkastoo shalay Madaxda ay ku jireen maalin nasasho ah oo aan kulamadii gaar gaarka ahaa dhicin, kaddib kulamadii dheeraa ee habeen iyo maalin ay yeesheen, ayaan hadana laga gaarin illaa hada wax rasmi qodobka la isku hayay ee nooca Doorashada 2020 – 2021.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in la qorsheynayo in shirka weyn inuu furmo illaa caawa, isla markaana uu noqdo shir khudbado kaliya laga jeediyo, lana soo xiro, isla markaana la soo saaro war murtiyeed.

War-murtiyeedka soo baxaya ayaa lagu sheegay in lagu muujin doono in Madaxda isku fahmeen 1. In doorashadu noqoto doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda 2. in Guddi Farsamo loo saaro kasoo Talo Bixinta Doorashada Soomaaliya 3. In Muddo kooban gudahood la isugu yimaado magaalada Dhuusamareeb.