Dhuusamareeb: Guddiga farsamada ee kasoo tala-bixinta Doorashada 2020 – 2021 oo lagu dhawaaqayo

Guddiga Farsamada ee ka kala socda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee ka soo baraan-dagaya Hannaanka doorashada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda la magacaabo, si ay u bilaabaan howshooda ka soo tala bixinta nooca doorashada dalku aadayo.

Xubnaha Guddigan ayaa ka kala imaanaya Wasiirada Arrimaha dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleeeyada sidoo kale waxaa ka mid noqonaya Xubin ka socda xafiisyada Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.