FAALLO: Maxaa uu ka dhigan yahay War-murtiyeedka Kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ?

Warmurtiyeedka Shirka Dhuusamareeb kasoo baxay waxuu mudan yahay soo dhaweyn.

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah gogoshii ay dhigeen way guulaysatay fadhigeedii labaad.

Inkiridii Dowlada dhexe ay inkiraysay in Dowladaha xubnaha ka ah ay talada dalka wax ku leeyihiin waa soo afjareen.

Kala ilaalintii Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka way hardiyeen waxayna muujiyeen in ay shiri karaan oo waliba go’aan isku raaci karaan.

Gogoshii ay dhigtay Dowlada Fadaraalku in ay diidi karaan oo waliba mid ay dhigeen ku khasbi karaan Dowlada dhexe way muujiyeen.

Qorshihii doorasho iyo mudo kororsi ee Villa Somaliya ay wakhtiga iyo dhaqaalaha badan galisay hal bacaad lagu lisay ayay ka dhigeen.

Madaxda Dowlada Fadaraalka ah waxay ku khasbeen in ay talada dhulka ka dhigaan oo dalku galo doorasho loo dhan yahay xiligeedana ku dhacda.

Waxaa bogaadin mudan si gaar ah reer Galmudug maamul iyo shacaba sida ay u maamuseen martidii cuslayd ee dul fadhiday mudada 10-ka cisho ahayd.

Reer Galmudug waa in ay qaataan taladii C.C.Warsame oo waa in ay taariikh sameeyaan kana miro dhaliyaan Dhuusamareeb 1,2, iyo 3. Sidii Garowe 1,2, iyo Galkacyo Accord.

Dowlad Goboleedyadu dalka khatar ayay ka badbaadiyeen,ayaa la oran karaa!!

Dowlada Dhexe”

Dhamaan qorshayaasheedii ay wadatay waa fashilmeen.

Wax walba oo ay adayg,diidmo iyo ku dhagnaansho ay ka muujisayna waxaa lagu khasbay dabac iyo tanaasul aan abaal looga hayn in ay ka samayso.

Madaxda Dowlada dhexe hogaaminta siyaasada dalka way ka wareegtay umana eka in ay dib ugu soo laaban doonto.

Talo galin muhiim ah”

Si dalka badbaadadiisu usii socoto loona gaaro doorasho xiligeeda ku dhacda oo aan dhinac u janjeerin,waxaa muhiim ah in Dowlad Goboleedyadu sii wadaan hardanka iyo feejignaanta.

Dowlada dhexe,gaar ahaan Madaxweynuhu waxuu isku dayi doonaa Todobaadyada soo socda fashilinta arimaha Shirka kasoo baxay.

-Waxuu isku dayi doonaa in uu Baarlamaanka adeegsado.

-Waxuu isku dayi doonaa in uu meermeeriyo Gudiga la dhisi doono qaybtiisa.

-Waxuu isku dayi doonaa in uu kala qaybiyo Dowlad Goboleedyada.

-Waxuu isku dayi doonaa in uu Ciidamo Eretereya jooga keeno oo dhoolatus awoodeed muujiyo.

Farmaajo qool,ayuu ku jiraa xiligan xaalkiisuna waa neef gawracan geedo kama waabto,wax walba oo uu heli karo,ayuu isku dayayaa in uu wax ku qaribo.

Feejignaan aan la fududaysan waxaa mudan hadalkiisii soo xirida Shirka ee galabta.

Jibril Qoobey.