Madaxweynayaasha D/Gobaleedyada oo gudbiyay xubnaha ku matalaya Guddiga farsamada

Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre u gudbiyay min Labada xubnood ee ku matalaya Guddiga Farsamada ee kasoo tala-bixinya nooca Doorasho ee Dalka ka dhici karto, kaas oo dhismihiisa uu kamid ahaa qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xubnaha Guddiga ku matalaya ee uu gudbiyay oo labo ah, waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo qof Technical ah oo ka socda Xafiiskiisa, halka sidaas si lamid ah uu sameyeen Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa iyagana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo magacaabaan xubnaha Guddigan ku matalaya, iyadoona intaas kaddib loo soo bandhigi doono Saxaafadda.

Guddigan ayaa marka la dhameystiro Shirar uga bilaabanayaan magaalada Dhuusamareeb, iyagoona si wada ogal ah u soo gudbin doona nooca Doorasho ee Dalka ka dhici karta 2020 – 2021, maadama ay fashilantay Doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.