Puntland: Ururada Siyaasadeed ee ka qeyb-galaya Doorashooyinka Golaha degaanka oo la shaacinayo

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland Guuleed Saalax Barre, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in qabashada Shirweynayaasha Ururada Siyaasadda ee Degaanada Puntland oo aheyd sharuudii ugu dambeysay ee aqoonsiga rasmiga ah ee Ururnimo lagu bixinayay ay ku ekaayeen maalinimadii Arbacada, uuna Guddigu bilaabay qiimeynta qabashada Shirweynaha iyo Ururada buuxiyay.

Sidoo kale, Guddoomiye Guuleed ayaa xusay in todobaadka hore ee bisha August uu Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed doono Ururada buuxiyay ee helay shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo, una gudbaya Doorashooyinka Golaha Degaanka Degmooyinka Puntland.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Guddoomiye Guuleed.

Waxaa shalay 22 July ku ekaa qabashada shirwaynayaasha Ururada Siyaasadeed ee Puntland. Waa hawshii ugu dambaysay ee Ururadu ay qabtaan si ay u buuxiyaan shuruudaha isdiiwaangelinta si ay u helaan shahaadada rasmiga ah ee ururnimo.

Qiimaynta Guddigu uu ku samaynayo sida Ururadu u buuxiyeen shuruudaha ayaa dhowaan lasoo gebogebaynayaa, asbuuca koowaad ee bisha Agoosto ayaa la shaacindoonaa liiska Ururada kasoo gudbay qiimaynta kuna guulaystay inay helaan shahaadada rasmiga ah ee ururnimo. Guul ayaan u rajaynayaa dhamaantood.

Ururada la guddoonsiiyo shahaadada rasmiga ah waxay isu diraarindoonaan doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.