Axmed Madoobe oo magacaabay xubnaha Jubbaland ku matalaya Guddiga farsamada Doorashooyinka DFS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa u magacaabay Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada & Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, xubnaha Jubbaland ku matalaya Guddiga farsamada hannaanka Doorashooyinka Dalka. Guddigan ayaa kamid ah qodobadii at ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Akhriso qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Jubbaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam isagoo tixraacaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee magaaladda Dhuusamareeb ee Dowladda Galmudug, kaas oo qabsoomay 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo qodobadii kasoo baxay ay ka mid ahayd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, shaqada guddigan ayaa ah in uu kasoo shaqeeyo hannaanka Doorashooyinka Dalka.

Hadaba Madaxweynaha Dowladda Jubbaland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Jubbaland

1- Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada.

2- Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

         DHAMMAAAAAAD