Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay gaari xamuul ah oo la dhacay (VIDEO)

Ciidamada Booliska Gobolka Karkaar ayaa ku guuleystay in ay dib u soo celiyaan gaari xamuul ah oo labo habeen kahor lagu dhacay wadda isku xirta magaalooyinka Waaciye iyo Sheerbi ee Gobolka Karkaar.

Guddomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Siciid Maxamed Faahiye oo ay weheliyaan Taliye ku-xigeenka Qaybta gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed, Taliyaha Saldhiga dhexe ee degmada Qardho Cumar Hiirad Kaatun, Taliyaha ciidanka Madaxtooyada magaalada Qardho Cabdifataax Warsame iyo Taliyaha Ciidanka Airaborka Sharmaarke Wayrax, ayaa Xasan Cabdi Siyaad ku wareejiyay gaarigan xamuulka ah iyo agabkii sarnaaba oo gacanta kusoo dhigay ciidanka amaanka Gobolka Karkaar.