Mooshin ka dhan ah RW Kheyre oo caawa ka socda Muqdisho.

Abaabulka Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa caawa ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoona qaar kamid ah hotelada Muqdisho ay ka socdaan saxiixa mooshinkan.

Mooshinkan oo uu abaabulkiisa waddo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayaa dhowaanahan la hadal hayay tan iyo markii uu fashilmay qorshe la doonayay inuu isku casilo Ra’iisulwasaare Kheyre, oo loogu soo bandhigay Muqdisho iyo Magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Dib u soo laba kacleynta Mooshinkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Farmaajo guul-darro Siyaasadeed ay kasoo gaartay Shirkii Dhuusamareeb, oo sababay in la laalo hankiisii ku aadanaa muddo kororsi iyo Doorasho ku shubasho ah.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.