Wararkii ugu dambeeyay ee kulan gaar ah oo dhexmaray Farmaajo, Deni iyo Madoobe

Farmaajo waxay ugu danbayn kaga soo idlaatay in uu ku beerlaxawsado Jubaland iyo Puntland waxii khaldamay waa saxayaa ee anigaa Daarood ka sharaxane halay taageero khibradna waa helay.

Si rasmi ah,ayuu usoo afjarmay qorshihiisii mudo kororsi iyo doorasho usoo abaabushay Farmaajo.

Waxa ugu weyn ee Farmaaji eersaday waxay tahay in ay garbihiisa ka baxeen dad badan oo uu isku halaynayay.

Madaxda Pl iyo Jl waxay kula taliyeen in uu mudada uhartay wax wanaagsan ka shaqeeyo doorashada raaco tartamo hadii laga guulaystana xilka si qurux badan uwareejiyo.

Dalku waxuu galayaa doorasho dadban oo ku dhacda xiligeeda.

Gudiyadii farsamada waa la dhamaystiray intoodii badnayd.

Puntland waxaa ku matalaya Wasiir Dhabancad iyo xubin kale.

Jubaland waxaa ku matalaya Wasiirudowlaha Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Gudiga doorashada.

Galmudug waxaa ku matalaya Wasiirka Arimaha gudaha iyo xubin kale.

Hir-shabelle waxaa ku matalaya Wasiirka dib uheshiisiinta iyo xubin kale.

Koonfur-galbeed waxaa ku matalaya Xubin aqoonyahan iyo Wasiir.

Sadex xubnood oo aan weli la shaacin waxay ka kala imaanayaan Xaafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha.

1-da bisha Aug ayay shaqadooda diyaarinta habka doorashada loo galayo ay bilaabayaan Gudigaas.

11-bisha Aug madaxda Dalka,ayaa isku soo laabanaysa oo ansixinaysa qorshsha ay diyaariyaan.

Sidaas,ayuu dalku ku galayaa doorasho wskhtigeeda ku qabsoonta.

Puntland iyo Jubaland waa lagu bogaadiyay doorkoodii aan gorgortanka lahayn ee badbaadinta dalka.

Jibril Qoobey.