CC Warsame oo ka digay qorshaha Golaha Shacabka BFS

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdishakur Warsame, ayaa si adag uga hadlay qorshaha Xildhibaanada Golaha Shacabka uu maanta ku howlan yahay, ayna dabada ka riixayso Madaxtooyadda oo adeegsanaysa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mursal iyo Ku-xigeenkiisa 1-aad.

Akhriso Qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray CC Warsame.

Guddoonka Golaha Shacabka ( guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa 1-aad) oo ay muddo xileedkooda 3 bil ka harsantahay ayaa doonayo in uu muddo kororsi sameysto. Waxeyna oggolaasho ka heystaan Madaxweynaha oo raba in uu heshiiskii Dhuusamarreeb ka baxo. Waa mid laga filayey madaxweynaha iyo guddoonka Golaha-ba.

Waxey doonayaan in ay ansixiyaan qorshihii muddo kordhinta ee uu Guddiga Doorashada soo jeediyey, kaddibna xukuumadda eedda la saaro mooshin gacan taag ahna lagu rido.

Ujeedka ugu wayn ee Guddoonka Golaha Shacabka waa in la burburiyo natiijadii ka soo baxday shirkii Dhuusamarreeb oo ay Soomaalidu iyo beesha caalamka taageereen, gaar ahaan Dowladda Mareykanka iyo Midowga Afrika. Waxey kaloo doonayaan in ay carqaladeeyaan shirka lagu balansanyahay 15-ka Agoosto oo isla Dhuusamarreeb ka dhici doona. Tani waa billawgii dhammaadka Golaha Shacabka. Intii rajada ka lahaydna, maanta ayey ka quusan doonaan oo ay si buuxda u taageeri doonaan shirka Dhuusamarreeb.

Waxaana halkaas ku soo afjarmaya doorasho qof iyo cod ah oo ay shacabka Soomaaliyeed ogaayeen in ay aheyd oraah xaq ah, laakiin marin habaabin loola jeeday. كَلِمَةُ حَقٍّ يُرَادُ بِهَا بَاطِلٌ‎.

Shaki iigama jiro in shirka Dhuusamarreeb uu guulaysanayo, Waxaanse ka cabsi qabaa in xildhibaanno badan oo fursad doorasho soo heli kara ay ku lug go’aan marinka qaldan ee Mursal iyo Muuddeey. Haddii fawdaddii iyo gacan taag ku ridistii beenta ahayd loo laabto, waa qof walba taagtii iyo taageeradii, wixii xasilooni dari iyo qalaalse ah ee uu dalku galo masuuliyadeeda Madaxweynaha, Mursal iyo Muudeey ayaa dusha u ridanaya.