Col. Shuute oo ka digay xariga Sharci darada ah

Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sidda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa si weyn uga digay in mas’uuliyiinta iyo taliyeyaasha Ciidanka ay dadka aysan marsiin baaritaano ku heystaan xabsiyadda.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay qof walba oo uu soo xiro hoggaanka baarista in si deg deg ah loo geeyo Xeerilaalinta iyo Sidoo kale Maxkamaddaha si loogu aqoonsado in uu yahay eedeysane haddii Maxkamaddu ogolaato.

Sidoo kale, Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in qof walba oo lasoo xiro oo aan la horgeyn Maxkamadaha iyo sidoo kale xeerilaalinta in loo aqoonsan doono qof Afduuban, islamarkaana loo aqoonsan doono in uu u afduuban yahay Mas’uulka meesha uu ku xiran yahay.