Kheyre oo ka duulay Dhuusamareeb, iyo Xildhibaanadii ugu badana oo raacay

Aaheey: Ra’iisul Wasaaraha XFS Xassan Cali Khayre, ayaa goor-dhaweyd ka duulay Magaalada Dhuusamareeb, isagoo ay wehlinayaan Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka BJFS oo qeybtood yihiin Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa.

Safarka Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa imaanaya xilli Hotelada Muqdisho uu ka socdo saxiixa mooshin ka dhan ah, oo ay riixayso Madaxtooyada Villa Somalia, ayna saxiixeen Xildhibaano ka badan 100.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaare Kheyre oo garab ka helay Mucaaradka, uu bilaabi doono qorshayaal uu isku difaacayo, oo uu ugu horeeyo furfurka Baarlamaanka iyo mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.