Madaxweyne Waare oo magacaabay xubnaha Hirshabelle ku matalaya Guddiga farsamada Doorashooyinka

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Caadle iyo Cabdul Maxamed Faarax Makaran oo ah Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda Hirshabelle, inay noqdaan xubnaha Hirshabelle ku matalaya Guddiga farsamada Doorashooyinka Dalka ee 2020 – 2021.