Yuu Farmaajo u wadaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu 72 saac ee soo socda uu magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub, kaddib markii maanta Golaha Shacabka BFS uu sheegay in la riday Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay uu booska uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabayo labo ruux mid kuwaas oo kala ah Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), oo haatan ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada VILLA Somalia, iyo Cabdinaasir. kana soo jeeda Koonfurta Gobalka Mudug.