DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo laalay Heshiiskii Puntland iyo Seashells

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulankoodii casriga ahaa ku yeeshay xaruntooda Magaalada Garoowe, ayaa laalay heshiis ay horey u gaareen Puntland iyo Jazeerada Shiishalis, kaas oo ku aadanaa maxaabiista falalka burcad-badeednino ugu xiran degaanada Puntland.

Heshiiskan oo ay wada galeen Xukuumaddii Madaxweyne Gaas iyo Jazeerada Shiishalis, ayaa yimid kaddib markii xabsiyadda Puntland loo soo wareejiyay maxaabiista Soomaaliyeed ee lagu qabtay falalka Burcad-badeedka, waxaana uu dhigayaa in Shiishalis ay lee dahay go’aanka ugu dambeeya ee sii deynta maxaabiistan.

Go,anka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ku laaleen heshiiskan, ayaa yimid kaddib Dood dheer oo ay maalmihii ugu dambeeyay ka lahaayeen u Qareemida Maxabiista, sidoo kalena ay su’aalo waeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta.